Organic Shops

Badeeco dabiici ah oo aad ku kalsoonaan karto. Adeego adigoo jooga gurigaaga, goobtaada shaqo ama ku dalxiisaya jawiga macaan ee Muqdisho!

Maxaad nagu dooran lahayd?

Waxaan nahay shirkad iibisa badeeco dabiici. Waxtarka badeecada waxaa ka mid ah kobcinta iyo dhisidda jirka, sun saaridda, nafaqaynta, dheeli tirka jirka, wanaajinta wareegga dhiigga iyo faa'idooyin kale oo aan ku sharaxno boggeena fb.com/organicshops.so.

Adeego Hadda (TM) waa adeeg dhamaystiran oo kuu suurto gelinaayo in aad dukaamaysato adigoo jooga gurigaaga, goobtaada shaqo ama ku dalxiisaya degmooyinka Muqdisho. Waxaan diyaarinay adeeg gayn dhamaystiran oo ku baahsan dhammaan degmooyinka magaalada Muqdisho. Macaamiisheena magaaladda Muqdisho si fudud ayay u bixin karaan lacagaha iyagoo adeegsanaya EVC PLUS. 

Waxaan dejinnaa hiigsi si aan u qancino macaamiisha- waa sumcad aan dadaal dheeri ah ku bixinay si aan u gaarno isla markaana aan si joogto ah uga shaqaynay si aan dhowrno.

Organic Shops ma ahan oo kaliya bar laga adeegto, balse waa suuq casri ah oo aad ka adeegan karto 24/7.

Ku saabsan Organic Shops

Waxaa nasoo jiitay awoodda iyo waxtarka nafaqaynta jirka, isticmaalka cunto waxtar leh, in ay ka saameyn wayntahay daawaynteeda. Cilmiga daawaynta iyo agabyada caafimaadka waa sii hormarayaan, qatarta cuduradana waa sii kordhayaan. Dadku waxay u baahan yihiin cunto, cunto kaabayaal samaysa sun-saaris, nafaqaysa unugyada jirka, xoojisa jir difaaca, isla markaana dheeli tirta jirka kana hortagta cudurada. Waxaa kaloon ladhacay awoodda tiknolojiyadda casriga ah. Waxay saamayn ku leedahay qaabka aan u noolnahay qarnigan aan joogno. Waxaan ka shaqeeyaa isticmaalka tiknolojiyadda casriga si loo xaliyo qaarka mid ah dhibaatooyinka dunida.

Waxaan sameenay Organic Shops sanadkaan 2016, qaab cusub oo loo dukaamaysto, waa badeeco dabiici ah oo xal ka gaysanaysa mashaakilka cunto xumo ee heesta bulshada.

Ku soo dhawaaw Organic Shops, waan ku faraxsannahay in aad nala jaanqaado.

Cinwaanka Dukaanka

Kasoo horjeedka Xarunta dhexe ee Bankiga Salaam Bakaaro

Warta nabadda

Organic Shops Mogadishu

Saacada Shaqada

Sabti - Arbaco

8 a.m - 5 p.m

Khamiis

9 a.m - 4 p.m

Friday

Waa fasax